1449 Views

Cumar Cabdirashiid oo soo dhaweeyay dib u soo nooleynta xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya

Cumar Cabdirashiid oo soo dhaweeyay dib u soo nooleynta xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya
____________________________________________________________________________

.

 .

May 8, 2021

Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa soo dhaweeyay dib u soo nooleynta xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya, isagoo ku baaqay inay tahay lagama maarmaan wanaajinta xiriirka Soomaaliya ay la leedahay Caalamka.

“Waa war faxad leh dib u soo nooleynta xiriirka diblomaasiyadeed ee Kenya. Waxaan sidoo kale jeclahay inaan soo dhaweeyo dadaallada dhex-dhexaadinta ee Qadar” ayuu Ra’isul Wasaarihii hore ku soo qoray bartiisa Twitterka, wuxuuna sii raaciyay “Si loo xoojiyo ganacsigeenna, una gudagalno geeddi-socodka horumarka waxaa lagama maarmaan ah in dib loo soo nooleeyo xiriirkeenna diblomaasiyadeed ee aan la leenahay adduunka”

Soomaaliya iyo Kenya ayaa safaaradaha kala qaatay dabayaaqada sanadkii hore, kaddib markii Muqdisho ay Nairobi ku eedeysay inay soo faragalisay arrimaheeda gudaha.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post