381 Views

Boqolaal qof oo lagu xidhay Ruushka, si loo joojiyo mudaharaadada ka socda dalkaas

Boqolaal qof oo lagu xidhay Ruushka, si loo joojiyo mudaharaadada ka socda dalkaas
____________________________________________________________________________

Isniin: September 26, 2022

Ku dhowaad 800 oo qof ayaa lagu xidhay Ruushka, xilli ay dalkaas ka sii socdaan mudaharaadada lagaga soo horjeedo abaabulka ciidan ee ka socda magaalooyinka dalkaas.

Kooxda OVD-info oo si dhow ula socota mudaharaadada ka socda dalkaas ayaa sheegtay in maalinimadii Axaddii, in illaa 796 qof lagu xidhay 33 magaalo oo ku yaalla dalkaas, kala badh dadkaas, ayaa laga qabqabtay caasimadda dalka Ruushka ee Moscow.

Kooxdan xuquuqda aadanaha ee u kuurgasha xadhiga siyaasadeed ee ka socda dalka Ruushka ayaa sidoo kale sheegtay in qaar ka mid ah debedbaxayaashaas la xidhay inay ahaayeen caruur aan qaangaadhin.

Mudaharaadayaasha ayaa bilaabmay saacado uun ka dib, markii madaxweyne Putin uu Bishan 21-keedii ku dhawaaqay inuu dib ugu yeedhay qaybo ka mida ciidamada kaydka ah, kuwaas oo la doonayo inay ka qayb qaataan dagaalka ka socda dalka Ukraine.

RFE/RL’s Russian Service

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post