483 Views

Doorashada 16kii kursi ee Garbahaareey oo Ceelwaaq loo Wareejiyay

Doorashada 16kii kursi ee Garbahaareey oo Ceelwaaq loo Wareejiyay
____________________________________________________________________________

 Arbaco: March 16, 2022

Wafdi kasocda Jubbaland ayaa isku diyaarinaya tagida magaalada Ceelwaaq ee gobalka Gedo, halkaas oo ay Jubbaland doonayso in ay ku qabato doorashada 16 Kursi oo deegaan doorashadoodu ahayd magaalada Garbahaaray.

Xubnaha tagaya Ceelwaaq oo katirsan golaha wasiirada kana soo jeeda deegaankaas ayaa utagaya sidii ay u diyaarin lahaayeen goobta doorashada, sugida amniga oo ay iska kaashanayaan ciidamada Kenya & Jubbaland iyo xulida Ergada codeynaysa.

Ilo wargal ah ayaa xaqiijinaya in Jubbaland diyaarisay liiska 16 xubnood oo noqonaya mudanayaal baarlamaan iyo 16 Malxiis siyaasadeed oo diyaarado looga geyn doono Ceelwaaq-Soomaaliya.

Saaxiibada Axmed Madoobe ee kasoo jeeda Gedo ayaa qaarkood walaac kamuujinaya tagida Ceelwaaq, iyagoo cabsi ka qaba in ay Kuraas aysan kaheli karin, maadaama aan cidna tagi karin.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post