966 Views

Dowladda Canada oo masaafurineysa dhallinyaro Soomaali ah

Dowladda Canada oo masaafurineysa dhallinyaro Soomaali ah
____________________________________________________________________________


Isniin: March 28, 2022

Dowladda Canada ayaa la sheegayaa inay qorsheyneyso inay musaafuriso dhallinyaro Soomaali ah oo dalkaasi ku tagay siyaabo kala duwan.

Saraakiisha dowladda Canada ayaa ku doodaya in dhallinyaraasi ay yihiin Kenyan, maadaama ay ku galeen dalkaasi baasaboor Kenyan ah.

Keyf Cali waxey kamid tahay guddi ay sameysteen dhallinyaradaasi qaarkood, wariyaha VOA-da ee Canada Xuseen Nuur Xaaji ayay u xaqiijisay inay kamid tahay dhallinyarada la qorsheynayo in laga musaafuriyo Canada, balse waxey ka cudurdaaratay in xilligan ay wareysi dhiibto.

Laakiin Keyf, waxey warbaahinta CBC ee Canada u sheegtay in kadib markii la dhibaateeyay qoyskeeda ay kasoo carartay Soomaaliya iyadoo Canada ku gashay baasaboor Kenyan ah.

Lama oga tirada rasmiga ah ee dowladda Canada ay qorsheyneyso inay musaafuriso.

Wakaaladda xudduudaha Canada waxey sheegtay inay gaarayaan 157 qof, balse dadka u doodaya dhallinyaradan ayaa rumeysan inay gaarayaan boqollaal qof.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post