384 Views

Tartan Cilmiyeed Ku Saabsan Horumarinta Waxbarashada Oo Lagu Qabtay Gaalkacyo

Tartan Cilmiyeed Ku Saabsan Horumarinta Waxbarashada Oo Lagu Qabtay Gaalkacyo
____________________________________________________________________________

Khamiis: SEPTEMBER 15, 2022

Tartan cilmiyeedkaan oo qeyb ka ah qorshaha horumarinta Waxbarashada, isla markaana sanadkiiba hal mar loo qabto qaar ka mid ah ardayda dugsiyada sare ee Gaalkacyo ayaa ka furmay xarumta dugsiga sare ee SYL.ee magaalada Gaalkacyo

Maamulaha dugsiga sare ee SYL Maxamed Maxamuud Samatar oo ka mid ah macalimiinta isku xilqaamay qabashada tartan aqooneedka ayaa ugu horeyn ka hadlay munaasabadda furitaanka Tartanka, waxaana uu sheegay in ujeedka tartankaan uu yahay sare u qaadista aqoonta.

Qaar ka mid ah Ardayda Tartanka ka qeyb galay oo ay Warbaahinta Qaranka weydiisay dareenkooda ku aadan faa’iidada uu u leeyahay tartan aqooneedka ayaa sheegay inay tahay talaabooyin aad u wanaagsan oo ku soo beegantay xilli ay u baahnaayeen.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post