1323 Views

C/raxmaan Baadiyow “Mucaaradnimada wax xun ma ahan, Shalay Farmaajo Mucaarad ayuu ahaa”

C/raxmaan Baadiyow “Mucaaradnimada wax xun ma ahan, Shalay Farmaajo Mucaarad ayuu ahaa”
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 02, 2019 – Dr. C/raxmaan Macalin C/llaahi Baadiyow oo ah La Taliyaha Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ee dhinaca Dib u heshiisiinta ayaa sheegay in Mucaaradnimada aanay wax xun aheyn, isagoo ku baaqay Siyaasiyiinta inay heshiiyaan.

Isagoo la hadlayay mid ka mid ah Telefishinada Soomaaliga ayaa sheegay in Mucaarad iyo Muxaafad ay dalka wada leeyihiin.

 

“Siyaasiyiinta waa inay heshiiyaan oo aysan is haruufin, mucaaradka in aan loo arkin inuu xun yahay dowladaha dimoqraadiga mucaaradka iyo muxaafadka dalka ayay wada leeyihiin, kii shalay mucaarad ahaa, berri ayuu madax noqonayaa”ayuu yiri C/raxmaan Baadiyow oo ku khilaafay sida Madaxda dowladda Federaalka u weeraraan Siyaasiyiinta Mucaaradka.

 

Waxaa uu sheegay in Madaxweyne Farmaajo, shalay inta aan loo dooran xilka Madaxweynenimada uu ahaa Mucaarad, haatan uu yahay Madaxweynaha dalka.

 

“Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo shalay mucaarad ayuu ahaa, maanta waa Madaxweyne, marka waxaa la rabaa mucaaradnimada inaan xumaan loo arkin, dalalka dimoqraadiyada ka jirta mucaaradnimada waxay ku jirtaa qeyb ka mid ah dowladnimada”ayuu yiri Dr. C/raxmaan Baadiyow oo xilligan lagu tilmaamo inuu ka mid yahay taageerayaasha Dowladda Madaxweyne Farmaajo, halka dowladdihii hore uu mucaaradi jiray.

 

Waxaa uu sheegay in nidaamka keli taliska, sacabka, Guulwadeynta iyo haweenka la soo saarayo in la bedelo dhaqankaas, lana is ixtiraamo sida uu hadalka u dhigay.

 

Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo ayaa lahjado adag u adeegsata Mucaaradka dowladda, iyadoo ku tilmaamo Qaran Dumis, Dowlad diid iyo erayo kale.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment