1104 Views

Soomaaliya oo shir looga hadlayo Garsoorka uga qeyb-galeysa K/Afrika

Soomaaliya oo shir looga hadlayo Garsoorka uga qeyb-galeysa K/Afrika
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 1, 2019 –Magaalada Ceptown ee dalka Koonfur Afrika ayaa lagu wadaa in Maanta oo Axad ah uu ka furmo shir looga hadlayo Garoorka Afrika,waxaana Shirkaasi Sanadkaan ka qeyb-galaya Wafdi ka socda Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

 

Shalay Magaalada Ceptown waxaa gaaray wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Maxkamada Gobolka Banaadir Abuukaate Muuse Macalin, iyada oo halkaasi ay siweyn ugu soo dhaweeyeen qaar ka mid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi koonfur Afrika.

 

Guddoomiyaha  Guddoomiyaha Maxkamada Gobolka Banaadir Abuukaate Muuse Macalin oo hadal kooban siiyay Warbaahinta ayaa sheegay in u jeedkeeda uu yahay inay ka qeyb-galaan Shir looga hadlayo arrimaha Garoosrka,kaas oo ay isugu imaanayaan Garoorayaal ka socda wadamada Afrika.

 

Waxaa uu sheegay in shirkaari diirada lagu saari doono arrimo la xiriira dadka sida Sharci darrada ah uga soo gudbaya xaduudaha,isla markaana u baahan in wax badan laga qabo inta aysan soo gaarin dhibaatooyin kala duwan.

 

Guddoomiyaha Maxkamada Gobolka Banaadir Abuukaate Muuse Macalin ayaa inta uu ku sugan yahay dalka koonfur Afrika waxaa uu sidoo kale kulamo la qaadan doonaa Garsoorayaal sar sare oo shirkaasi ka qeyb-geli doona.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment