3072 Views

Taariikhda Ra’isulwasaarayaashii dalka soo maray xornimada kedib !

Taariikhda Ra’isulwasaarayaashii dalka soo maray xornimada kedib !
____________________________________________________________________________

TAARIIKHDA RA’ISULWASAARAYAASHII DALKA SOOMAALIYA TAN XORNIMADII


Toronto | QOL | February 23, 2020 | By Mustafa Awale – 26-kii June 1960-ki markii Gobollada Waqooyigu ka xoroobeen gumaysigii Ingiriiska afar maalmood kedibna 1-dii July 1960-kii la midoobeen gobolada Koonfureed waxaa Madaxwaynihii ugu horeeyay ee la doortay Allaah U Naxariistee Adan Cabdulle Cusmaan u magacaabay Ra’isulwasaaraha Jamhuuriyadda Soomaaliya Allaah u naxariistee Cabdirashiid Cali Sharmarke 12 July 1960 kaasoo xilka hayay tan iyo 14 June 1964 ( 3 Sanno, 11 bilood 7 Maalmood) ama guud ahaan 1433 Maalmood.

Allaah u naxariistee Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo isagana xigay ayaa xilka qabtay 14 june 1964 hayayna ilaa 15 july 1967(3 Sanno, hal bil iyo hal maalin) ama 1126 Maalmood.

Waxaa xigay Ra’isulwasaarihii 3aad Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal ee dowladdii Madaxwayne Cabdirashiid Cali Sharmarke oo isagana xilka qabtay15-kii July 1967 – 21 Oktoober 1969(2 Sanno, 3 Bilood & 6 Maalmood) ama 829 Cisho isagoo xilka hayana ciidammadu afgembi kula wareegeen xukunka.

Burbrkii Dowladii kacaanka kedib waxaa dalka Soomaaliya isku bedebedelay Dowlado Ku meel gaar ah iyo iyo kuwo federal ah oo mid walba lahayd dhowr ra’isulwasaare, hadaba waxaan halkaan ku soo qaadanayaa ra’isulwasaarayaashaas iyo mid walba xilligii uu xafiiska hayay:

 

1- DOWLADDII (KMG) MADAXAWAYNE CABDIQAASIN SALAAD XASAN

Madaxwayne Cabdiqaasin wuxuu magacaabay 3dex Ra’isulwasaare

a) Ra’isulwasaare Cali Khaliif Galayr, 8 October 2000 – 28 October 2001 wuxuu xilka hayay (1 sanno & 20 Maalmood) ama guud ahaan 385 Maalmood.

b) Ra’sulwasaare Xasan Abshir Faarax, 12-kii November 2001 – 8 December 20113 wuxuu isagana xilka hayay (2 Sanno & 26 Maalmood) ama isu gayn 756 Maalmood.

c) Ra’isulwasaare Maxamed Cabdi Yuusuf, 8-dii December 2003 – 3-dii November 2004 isagoo xilka hayay (10 Bilood & 26 Maalmood) isugayn 331 Maalmood.

2- DOWLADDII FEDERAALKA (KMG) MADAXWAYNE CABDULLAAHI YUUSUF(AUN)

a) Ra’isulwasaare Cali Maxamed Geedi, 3-dii November 2004 – 29-kii Oktober 2007 isagoo xilka hayay (2 Sanno, 11 Bilood & 26 Maalmood).

b) Ra’isulwasaare Nuur Xasan Xuseen(Nuur Cadde), 24-kii November 2007 – 14-kii February 2009 ( ! Sanno, 2 Bilood & 21 Maalmood).

3- DOWLADDII FEDERAALKA (KMG) MADAXWAYNE SHEEKH SHARIIF SHEEKH AXMED

a) Ra’isulwasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke, 14 februay 2009 – 21 September 2010 ( 1 Sanno, 7 Bilood & 7 Maalmood) guud ahaan 584 Maalmood.

b) Ra’isulwasaare Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,1-dii November 2010 -19-kii June2011(7 Bilood & 18 Maalmood) isagoo ahaa ra’isulwasaarihii ugu muddo xileedka yaraa oo hayay xilka keliya 230 Maalmood.

c) Ra’isulwasaare Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, 19 June 2011 – 17-kii Oktober 2012 isagoo xilka hayay(1 Sanno, 3 Bilood & 28 Maalmood) ama 486 Maalmood.

4- DOWLADDI FEDERAALKA MADAXWAYNE XASAN SHEEKH MAXAMUUD

a) Ra’isulwasaare Cabdi Faarax Shirdoon(Saacid), 17 Oktobar 2012 – 21 December 2013(1Sanno, 2 Bilood & 4 Maalmood) isugayn 430 Maalmood.

c) Ra’isulwasaare Cabdiweli Sheekh Axmed, 21 December 2013 – 24 December 2014( 1 Sanno & 3 Maalmood) tiro maalmo ah oo dhan 368 maalmood.

d) Ra’isulwasaare Cumar Cabdirashiid, 24-kii December 2014 -1 March 2017(2 Sanno, 2 Bilood & 5 Maalmood) ama muddo xileed dhan 798 Maalmood.

5- DOWLADDA FEDERAALKA MADAXWAYNE MAXAMED CABDULLAAHI FARMAAJO

a) Ra’isulwasaare Xasan Cali Khayre, 23 February 2017 waana Ra’isulwasaaraha xilligan xilka haya iyaadoo islamarkaana uu yahay ra’isulwasaaraha keliya ay Dowladdani yeelatay 3dii Sanno ee la soo dhaafay muddo xileedkooduna weli waqti uga harsan yahay.

 

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Toronto, Canada

Qore: Mustafa Salad Awale

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment