1056 Views

Dab Xooggan oo ka kacay Suuqa ugu weyn Magaalada Hargeysa

Dab Xooggan oo ka kacay Suuqa ugu weyn Magaalada Hargeysa
____________________________________________________________________________

Sabti: April 2, 2022

Dab xooggan ayaa caawa fiidkii ka kacay, suuqa weyn ee ku yaalla bartmaha magaalada Hargeisa, waxaana weli ku howlan damintiisa Shaqaalaha Dab damiska.

Duqa Caasimadda Hargeisa Cabdikariin Axmed Mooge oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in dabkani uu burburiyey hanti aad u badan, hase ahaatee aanay illaa haatan jirin wax khasaare nafeed ah oo uu geystay. Wuxuuna baaq u diray maayarada magaalooyinka kale ee Somaliland inay gurmad u soo diraan.

Suuqa bacadlaha ah ee Waaheen ayaa ayaa ku yaalla badhtamaha magaalada Hargeisa, waana suuqa ugu weyn, wuxuuna hoy u yahay kumanaan ganacsato ah oo isugu jira kuwa yaryar iyo kuwa dhexeba.

Saraakiisha Dabdamiska iyo Dawladda Hoose ee Hargeisa ayaa sheegaya in illaa haatan lala tacaalayo dabka

.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post