657 Views

Afhayeenka Kenya oo sheegay in ay dacwad ka dhan ah Soomaaliya u gudbineyso ururrada IGAD, COMESA iyo Midowga Afrika

Afhayeenka Kenya  oo sheegay in ay dacwad ka dhan ah Soomaaliya u gudbineyso ururrada IGAD, COMESA iyo Midowga Afrika
____________________________________________________________________________

Afhayeenka dowladda Kenya Cyrus Oguna oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Nairobi ayaa ka hadlay tallabadii ay dowladda Soomaaliya xiriirka ugu jartay dhigeeda Kenya.

Afhayeenka ayaa sheegay in dowladda Kenya ay dacwad ka dhan ah Soomaaliya u gudbineyso ururrada IGAD, COMESA iyo Midowga Afrika.

Dowladda Soomaaliya ayuu ku eedeeyey inay ku degdegtay tallaabadii ay xiriirka ugu jartay Kenya, isagoo sheegay in labada dal ay yihiin deris aan kala maarmin.

Cyrus Oguna waxa uu intaas ku daray in dowladda Kenya aysan ka aarsan doonin tallaabadii ay ku dhaqaaqday ee xiriirka ay ugu jartay Kenya, isagoo tilmaamay in Soomaaliya ay tahay saaxiibka dhow ee Kenya.


_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post