354 Views

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay guddiga madax-banaan ee Xuduudaha iyo Federaalka JFS

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay guddiga madax-banaan ee Xuduudaha iyo Federaalka JFS
____________________________________________________________________________

Arbaco: July 20, 2022

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kulan la qaatay guddiga madax-banaan ee Xuduudaha iyo Federaalka JFS.

Guddigan oo ka mid ah guddiyo dhowr ah oo sharci ahaanshahooda uu weli muran ka taagan yahay maadama aan weli golaha Aqalka sare la horgeeynin, waxayna codsadeen in loo fududeeyo howlaha shaqo ee baarlamaanka kaga xiran.

Kulanka inta uu socday ayaa guddiga waxay guddoomiyaha Golaha Shacabka la wadaageen warbixin ku aaddan shaqa maalmeed kooda ayagoo Gudoomiyaha golaha Shacabka ka codsadey inuu gacan ka siiyo dhameystirka wixii shuruuc ah oo ay baarlamaanka uga baahanyihiin.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa boggaadey islamarkaana u ballan qaadey inuu ka ganan sii doono sidii ay u heli lahaayeen wax yaabaha dhanka sharciyadda kaga dhiman, Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa ku dhiira geliyay guddiga xuduudaha shaqada adag oo ay Qaranka u hayaan wixii dedaal dheeraad ahna lagu bixin doono.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post