903 Views

Wararkii ugu dambeeyay ee kulanka ka socda Madaxtooyada Soomaaliya

Wararkii ugu dambeeyay ee kulanka ka socda Madaxtooyada Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  September 14 2020—Waxaa Maalintii labaad ka socda Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya Shirka u dhaxeeya Madaxweyne Farmaajo, Madaxda Dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, kaas oo Maanta ka duwan sidii shalay.

Kulanka Maanta ayaa waxaa Madaxda shireysa dhex-maraya doodo xasaasi ah, iyada oo aad loo falan qeeynaayo qodobadii kasoo baxay Shirkii Dhuusamareeb 3 oo Madaxweynayaasha Jubbaland & Puntland ay diideen.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ay dalbadeen in qodobada qaar ee shirkii Dhuusamareeb 3 wax ka bedel lagu sameeyo,sida arrimaha la xiriira, doorashayooyinka oo awood siinaya Guddiga Madaxa Bannaan ee doorashooyinka, waxaana Madaxda Maamul goboleedyada ay doonayaan in la sameeyo Guddi kale oo heer dowlad goboleed iyo heer Federaal ah.

Sidoo kale qodobada ay Madaxda Puntland iyo Jubbaland soo jeediyaan in wax laga bedelo ayaa waxaa kamid ah, tirada ergooyinka wax dooraneysa oo horay heshiiskii Dhuusamareeb u ahaa 306 Ergo halka ay dalbadeen in laga dhigo 101 ama 150 Ergo.

Qodobada kale waxaa kamid ah degaannada ay ka dhacayaan doorashooyinka Baarlamaanka, waxaana qodobada shirkii Dhuusamareeb kasoo baxayay dhigayaan in Dowlad Goboleed walba ilaa Afar degaan ay ka dhacaan doorashooyinka.

Madaxda ayaa la filayaa in weli ay sii wadan dooda la xiriirta arrimaha doorashooyinka Soomaaliya ilaa ay kasoo saaraan shirkooda Go’aan rasmi ah o ay ku wada heshiiyeen dhinacyada wada-hadlaya.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post