1218 Views

Wakiiladda Beesha Caalamka iyo xubnaha Midowga Musharaxiinta oo shir gaar ah ku yeeshay hab Muuqaal ah

Wakiiladda Beesha Caalamka iyo xubnaha  Midowga Musharaxiinta oo shir gaar ah ku yeeshay hab Muuqaal ah
____________________________________________________________________________

4- Marso, 2021

Wakiiladda Beesha Caalamka ee ku sugan Muqdisho iyo xubnaha  Midowga Musharaxiinta ayaa maanta shir gaar ah ku yeeshay hab muuqaal ah.

Shirkan oo saacado socday ayaa waxaa looga hadlay  xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan khilaafka taagan ee doorashada.

Beesha caalamka iyo mushararixiinta ayaa isku raacay in fursad la siiyo wada-hadalada u dhaxeeya Midowga Murashaxiinta iyo Ra’iisul Wasaare Rooble.

Labada dhinac ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimada uu leeyahay heshiis ay gaaran madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Kulankaan ayaa ku soo aadaya xilli caawa Ra’iisul wasaare Rooble iyo xubnaha midowga musharixiinta ay shirkii saddexaad ku leeyihiin hotelka Decale ee Muqdishio.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post