918 Views

SAWIRO:-Wafdi ka socda Dowladda oo Shir uga qeyb-galaya Hindiya

SAWIRO:-Wafdi ka socda Dowladda oo Shir uga qeyb-galaya Hindiya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 10, 2019–Shirweynaha Guddoomiyeyaasha Maxkamaddaha Sare ee Adduunka ayaa si toos ah waxaa uu uga furmay Magaaladda Lucknow ee Dalka Hindiya, iyad aoo sanadkaan ay ka qeyb-galayaan Xubno ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Soomaaliya ayaa waaa Shirkaasi uga qyeb-galaya oo goobjoog ka ah  Garsoore Maxkamadda Sare Saalax Sheekh Ibraahim Dhiblaawe iyo Garsoore Suleymaan Maxamed Maxamuud & safiirka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Hindiya Ambassador Faadumo Cabdullaahi Maxamuud.

 

 

Shirweynaha Guddoomiyeyaasha Maxkamaddaha Sare ee Adduunka ayaa waxaa looga hadlayaa sidii ay u wada Shaqyen lahaayeen Maxkamadaha Aduunka, sidii si cadaalad ah dadka loogu garsoori lahaa iyo sidii khibrado la isku dhaafsan lahaa.

 

Xubnaha ka socda Garsoorka Soomaaliya ee shirkaasi ka qeyb-galaya ayaa waxaa ay kulamo kala duwan la qaadan doonaan Garsoorayaasha Maxkamadaha adduunka ee shirkasi goobjooga ka ah, iyaga oo kala hadli doona sidii Soomaaliya dhinaca Garsoorka looga taageeri lahaa.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment