714 Views

Wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo gaaray Baydhabo

Wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo gaaray Baydhabo
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL October 07, |  2020—MagaaladaBaydhabo ee Xarunta gobolka Baay waxaa Maanta gaaray wafdi uu hoggaaminayo Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Somaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle Jaabiri.

Garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo waxaa wafdiga kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed, iyada oo intaasi kadib la geeyay Xarunta Madaxtooyada Koonfur Galbeed ee Magaalada Baydhabo.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Somaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle Jaabiri ayaa sheegay in u jeedka safarkooda Magaalada Baydhabo uu yahay sidii mashaariic lagu hormarinayo Waxbarashada uga fulin lahaayeen Baydhabo.

Wafdiga ka socda Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ayaa la filayaa inta ay ku sugan yihiin Magaalada Bayhdbao inay booqdaan Xarumo Waxbarasho oo halkaasi ku yaalla sidoo kale ay la kulmaan Madaxweynaha koonfur Galbeed.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post