966 Views

Boqolaal qof oo Soomaali ah oo laga tarxiilay Sacuudiga iyo Koox fariin dirtay

Boqolaal qof oo Soomaali ah oo laga tarxiilay Sacuudiga iyo Koox fariin dirtay
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | May 09  2020–Xuutiyiinta Yemen oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa ay u sheegeen in dowladda Sacuudiga dalkeeda ka tarxiishay 800 oo ruux oo muwaadiin Soomaali ah, kuwaasi oo ku sugnaa Magaalo ka tirsan dalkaas.

Xuutiyiinta ayaa tilmaamay in Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee laga tarxiilay Sacuudiga ay si
sharci-darro ah uga tallaabayeen xuduudka Aljowf ee dhinaca dalka Yemen.

Sidoo kale waxa ay sheegeen in Siddeeddaasi Boqol ay hadda ku karantiilan yihiin Aljowf, kadib markii looga shakiyay Cudurka halista ee Coronavirus, iyada oo xaaladdooda laga deyrinayo.

Xuutiyiintu waxa ay hay’ada qaxootiga Aduunka ee UNHCR ugu baaqeen inay gargaar deg deg ah la gaarto Boqolaalka qof ee ku dhibaateysan xuduudka Aljowf ee dhinaca dalka Yemen.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment