1218 Views

Muran xooggan oo ka taagan abaalmarinta sanadkan ee Ballon d’Or, oo mar kale la siiyay la ciyaaryahanka reer Argentine ee Lionel Messi.

Muran xooggan oo ka taagan abaalmarinta sanadkan ee Ballon d’Or, oo mar kale la siiyay  la ciyaaryahanka reer Argentine ee Lionel Messi.
____________________________________________________________________________


khamiis: December 2, 2021

 Muran xooggan ayaa ka taagan abaalmarinta sanadkan ee Ballon d’Or, taas oo markii todobaad la guddoonsiiyay ciyaaryahanka reer Argentine ee Lionel Messi.

Waxaase aad loola sii tacajubay in kaalinta todobaad uu galay Maxamed Saalax oo dad badan ay u arkeen in uu yahay ciyaaryahanka ugu wanaagsan.

Waxaa kale oo jirtay soo jeedin ah in abaalmarinta uu u qalmay ciyaartoyga Poland kasoo jeedda ee Lebandovsky.

Messi ayaa xilli ciyaareedkan dhaliyay 40 gool , kuwaas oo 28 ka mid ah uu u dhaliyay kooxda Barcelona. Isaga oo sidoo kale qeyb ka ahaa kooxdii qaadday kooxka adduunka ee dalkiisa ee Argentine.

Balse Robert Levandovsky wuxuu kooxdiisa u dhaliyay 53 gool, iyada oo dad badan ay qabaan in abaalmarintii sanadkii hore oo Karoonaha awgiis loo joojiyay uu ku guuleysan lahaa ciyaartooygan

Ciyaartoygan ayaa ku guuleystay koobka Jarmalka, kan Champion-ka ee kooxdiisa Bayern.

Dad badan oo tabobarayaal iyo falanqeeyeyaal isugu jira ayaa isku raacay in marnaba uusan Messi u qalmin abaalmarintaas. Dadka sidaas qaba waxaa ka mid ah Tony Cruz oo qadka dhexe uga dheela kooxda Real Madrid.

Macalinka Liverpool Jurgen Klopp ayaa weriyeyaasha u sheegay in Maxamed Saalax ay ahayd in uu helo codad wanaagsan.

Jorgino ?

Ciyaartoyga kooxda Chelsea Jorginho ayaa galay kaalinta seddexaad, halka N’Golo Kante uu galay tan shanaad, iyada oo dadka qaar ay su’aal ka keeneen sida ay taasi ku dhacday.

BBC

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post