918 Views

Wasiirka arimaha dibadda Israa’iil oo booqasho labo maalmood ah ku jooga imaaraadka carabta

Wasiirka arimaha dibadda Israa’iil oo  booqasho labo maalmood ah ku jooga  imaaraadka carabta
____________________________________________________________________________

Talaado: June 29 2021

Wasiirka arimaha dibadda Israa’iil Yair Lapid, ayaa booqasho labo maalmood ah ku jooga dalka isu tagga imaaraadka carabta. Booqashadiisa ayaa loo arkaa guul taariikhi ah u ah dalkiisa iyo guud ahaan dunida carabta.

Sagaal bilood kahor, Israa’iil ayaa Imaaraadka iyo Baxreyn la gashay heshiis taariiqi ah. Ujeedada booqashadan ayaa loo arkaa mid soo celineysa xiriirka labada dal. Lapid ayaa noqonaya wasiirkii ugu horreeyay ee booqasho rasmi ah ku taga dalka Imaaraadka Carabta, heshiiskaasi kadib.

Inta uu ku guda jiro booqashadan, ayaa Mr Lapid waxa uu kulan la yeelan doonaa dhiggiisa Imaaraadka Carabta Sheikh Abdullah bin Zayed Al Nahyan.

Booqashada wasiirka arrimaha dibadda Israa’iil, ayaa muhiimad gaar ah leh, balse sidoo kale waxa ay calaamad u tahay xiriirkii ugu horreeyay ee rasmi ah ee dhexmara labada dhinac, tan iyo wixii ka danbeeyay isku dhacyadii Qaza ee u dhexeeyay Israa’iil iyo Falastiiniyiinta bishii May.

Sida laga soo xigtay Qaramada Midoobay, intii uu socday dagaalka labada dhinac, ayaa 256 qof ay ku dhinteen Gaza halka 13 kalena ay ku dhinteen Israa’iil.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post