1014 Views

Baarayaal Kenyan oo Dalka ka helay fayraska hindiya ee COVID Variant.

Baarayaal  Kenyan oo Dalka ka helay   fayraska  hindiya ee COVID Variant.
____________________________________________________________________________

May 5, 2021

Baarayaal ayaa Kenya ka helay illaa shan kiis oo ah fayraska dadka aadka u badan ay ugu dhammaanayaan hindiya ee COVID Variant.

Wasaaradda caafimaadka Kenya waxay sheegtay in baaritaanka kiisaskan la sameeyay ka hor intii aan la mamnuucin diyaaradaha ka yimaada Hindiya.

Shanta kiis ee la helay waa dad ka shaqeynayay warshad bacriminta sameysa oo ku taalla galbeedka Kenya.

Dalka Hindiya waxaa hadda ka taagan xaalad aad u xun oo uu ku hayo nooca cusub ee cudurka Covid-19. Waxaana maalin kasta laba soo sheegaa boqollaal kun oo kiisas oo xanuunka ah.

Illaa iyo hadda, in ka badan 226-kun oo qof ayuu cudurkan ku dilay Hindiya. Wuxuuna ku dhacay in ka badan 20 milyan oo qof.

Iyadoo xaaladda ay sidaa u xuntahay, haddana hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan caafimaadka ee WHO, weli maysan caddeynin in cudurka Hindiya uu yahay Covid Variant.

Kenya waxay noqoneysaa dalkii labaad ee Afrika ee soo weriya in xanuunka Hindiya loogu dhammaaday uu soo gaaray. Waxaa horey u soo sheegtay Ugandha.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post