1098 Views

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Dowlada Qatar

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo  xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Dowlada Qatar
____________________________________________________________________________

.


Talaado: August 10, 2021

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Dowlada Qatar u fadhiya Soomaaliya MR. Xasan Xamza Assad.

Ujeedka kulankan ayaa ahaa sidii loo xoojin lahaa iskaashiga la xariira mashaariicda lagu horumarinaayo dhismaha Caasimadda iyo sidii dowlada Qadar u fulin laheyd mashaariic kala duwan ay horey u balan qaaday in Muqdisho ka hirgalineyso.

Safiirka Qadar u jooga Soomaaliya ayaa sidoo kale Cumar Finish kala hadlay sidii safaarada Qatar u heli laheyd dhul ay ka hirgaliso dhismaha cusub ee Safaarada Dowlada Qatar ku lee dahay Soomaaliya Maadaama haatan si ku meel gaar ah dhul kale ugu shaqeyso.

Duqa Muqdisho iyo Safiirka Qadar u jooga Soomaaliya ayaana si hoose uga hadlay dhulka ku haboon ee dowlada Qadar ka dhisan karto safaarad , waxaana labada dhinac u balamaeen kulamo kale oo dheeraad ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post