1266 Views

Sawirro:-Guddoomiyaha Aqalka Sare Oo Ka Ambabaxay Magalada Muqdisho & U Jeedka Safarkiisa Oo La Shaaciyay

Sawirro:-Guddoomiyaha Aqalka Sare Oo Ka Ambabaxay Magalada Muqdisho & U Jeedka Safarkiisa Oo La Shaaciyay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Feberaayo 6,  2019 –Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magalada Muqdisho waxaa Maanta ka dhoofay wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Xildhibaanada Aqalka Sare ee Soomaaliya Mudane Cabdi Xashi Cabdillaahi.

Wafdi oo ka kooban Xubno ka tirsan Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa ay kusii jeedaan Magaalada Seoul  oo ah Caasimada Jamhuuriyadda Kuuriyada koonfureed.

Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ayaa wafdiga Garoonka Diyaaradaha kasii sagootiyay,waxaana dalka Jamhuuriyadda Kuuriyada koonfureed uga qeybgeli doonaan Kulan Caalami ah oo looga hadlayo arrimaha Nabada Aduunka.

Shirkaas Nabada Aduunka ee  ka dhacaya Magaalada Seoul   ayaa kusoo aadaya xilli Soomaaliya ay ka mid tahay wadamada dhibaatooyinka kala duwan ay ka dhacayaan

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment