537 Views

Shiinaha oo kor u qaadaya xiriirka kala dhexeeya Ruushka

Shiinaha oo  kor u qaadaya xiriirka kala dhexeeya Ruushka
____________________________________________________________________________

Khamiis: March 31, 2022

Wasiirka arimaha dibadda Shiinaha Wang Yi ayaa sheegay in dawladda Shiinuhu sii kobcin doonto iskaashiga kala dhexeeya Ruushka ayna kor u sii qaadi doonaan xiriirka ka dhaxeeya labad wadan.

Arintan ayuu ka dhawaajiyay isaga oo uu dhinac joogo dhigiisa Ruushka Sergei Lavrov, kadib markii ay ka wada hadleen dagaalka Ukraine.

Labada nin ayaa cambaareeyay xayiraadaha reer galbeedka ee ka dhanka ha Ruushka, iyaga oo ku tilmaamay kuwa sharci darro ah.

Wangi Yi ayaa ku tilmaamay xaaladda mid isku qasan oo ah natiijadii ka dhalatay fikirkii dagaalkii qaboobaa.

Lavrov ayaa ku sugan Shiinaha isaga oo ka qayb galaya shirk u saabsan Afghanistan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post