1425 Views

AK-47 iyo M16 waa laba ka mid ah qoryaha ugu badan ee la adeegsado caalamka

AK-47 iyo M16 waa laba ka mid ah qoryaha ugu badan ee la adeegsado caalamka
____________________________________________________________________________


Arbaco: September 29, 2021

AK-47 iyo M16 waa laba ka mid ah qoryaha ugu badan ee la adeegsado, haddii ay ahaan lahayd fallaago, militari ama booliis.

Doodda ku saabsan sinnaanta qoryahaan ayaa dib loo soo nooleeyay dhawaan ka dib rabshado ka dhacay deegaanka Laikipia ee dalka Kenya ka dib markii saraakiisha

maamulka ay cabasho ka muujiyeen in burcadda halkaasi jooga ay ku hubeysnaayeen qoryaha casriga ah sida M16 halka ay booliisku ay adeegsanayeen qoryaha sida G3.

Labada qoriba waxay caan ku noqdeen u adeegsiga dagaalada, waxayna aad u soo shaac baxeen Dagaalkii Qaboobaa.

Waxaa hubkan kala adeegsan jiray Mareykanka iyo ciidamada Soofiyeeti

Hubka noocan ah meel waliba maanta wuu yaalla, waxaana adeegsada milateriga, booliska, argagaxisada, dambiilayaasha, iyo xitaa dadka rayidka ah – waxaana ka dhashay in is-barbar-dhig lagu sameeyo.

Soofiyeedku waxay soo saareen qoriga AK-47 wax yar ka dib Dagaalkii Labaad ee Adduunka.

Qorigan waa mid fudud oo si sahlan loo adeegsan karo, qiimihiisu yar yahay islamarkana aan kaa istaagayn.

Horraantii 1950 -meeyadii, waxay bilowday in ay adeegsadaan Ciidankii la oran jiray ciidamada Cas ee Ruushka.

Ka dib Dagaalkii Labaad ee Adduunka, Ciidanka Mareykanka ayaa markii hore diiradda saarey sameynta hubka loogu talagalay in ay darandoori u dhacaan, taasoo horseeday in la soo saaro M14.

Ilaa dagaalkii Vietnam, waxaa tartamayay qoryaha AK-47 iyo M14, si loo tayeeyo qorigan M14, ayaa aakhirkii waxaa la soo saaray qoriga M16.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post