36 Views

Muxuu yahay kaarka cusub ee waajibka looga dhigay Xujeyda sanadkaan in ay qaataan?

Muxuu yahay kaarka cusub ee waajibka looga dhigay Xujeyda sanadkaan in ay qaataan?
____________________________________________________________________________

Muqdisho – Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Sacuudiga ayaa xaqiijisay in kaarka casriga ah ee “Nusuk” ee Xujeyda sanadka 1445-2024 uu waajib ku yahay qof kasta oo doonaya inuu soo galo goobaha barakeysan, haddii uu Xaaji yahay ama uu ka mid yahay qabanqaabiyeyaasha arrimaha maamulaya.

Wasaaradda oo qoraal soo dhigtay boggeeda Facebook iyo Twitter oo hadda loo yaqaan X ayaa ku sheegtay in kaarka casriga ah ee “Nusuk”  uu kala saari karo xujeyda caadiga ah iyo kuwa aan caadiga ahayn, iyadoo intaas ku dartay in qofkii aan qaadan kaarka uusan geli karin goobaha barakeysan.

Toddobaadkii hore, Wasaaradda Xajka iyo Cumrada ee Sucuudiga ayaa soo bandhigtay kaarka casriga ah ee “Nusuk”, iyadoo laba nooc oo waraaqo ah uu sitay xujaajta iyo mid dhijitaal ah oo la isticmaalayo iyada oo la sawirayo koodka kaadhka warqadda iyadoo la isticmaalayo kamaradda taleefanka.

Warsaxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda ayaa waxa ay ku sheegtay in kaarkan uu ka kooban yahay adeegyo kala duwan oo u fududaynaya xujayda inay si habsami ah u gutaan, isla markaana ay ka helaan digniino ku saabsan maalmaha ay dhoofayaan iyo inay qiimeeyaan adeegyada loo qabanayo.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post