813 Views

Qarax ay dad ku dhinteen oo ka dhacay Shabeellaha Hoose

Qarax ay dad ku dhinteen oo ka dhacay Shabeellaha Hoose
____________________________________________________________________________

Moqdisho,August 11, 2021 —Dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qarax Miino oo Maanta barqadii ka dhacay wadada xiriirisa degaannada Golweyn iyo Ganow oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.

Qaraxa ayaa waxaa la sheegay in Aaga tuulada Sjeedeey oo u dhaxeysa Golweyn iyo Ganow uu ku qabsaday Mootada Saddexda lug leh ee Qudaarta lagu qaado, waxaana goob joogayaal sheegeen inay qaraxa ku dhinteen saddex Ruux saddex kalena ku dhaawacmeen.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in goobta qaraxa uu ka dhacay ay tahay meel u dhow halkii shalay Ciidamada AMISOM ay dadka Shacabka ah ku xasuuqeen ee gobolka Shabeellaha hoose, dhulkaas oo ah Goobo ay ku yaallaan Beero uu ka baxo Mooska.

Dadka ku nool degaanka Golwey n ee Gobolka Shabeellaha hoose ayaa waxaa la sheegay inay u gurmadeen dadka ku waxyeeloobay qaraxaas, kuwaas oo loo soo qaaday caasimadda Soomaaliya ee magaalada Muqdsisho.

Wadada xiriirisa degaannada Golweyn iyo Ganow oo oo hoostaga Magaalada Marka ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay qaraxyo miino oo badankood ay ku waxyeeloobeen dad Shacab ah.

Xafiiska Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post