735 Views

Dagaalka Itoobiya oo sanad jirsaday & TPLF oo ku hamineysa qabsashada Addis Ababa.

Dagaalka Itoobiya oo sanad jirsaday & TPLF oo ku hamineysa qabsashada Addis Ababa.
____________________________________________________________________________


Arbaco: November 3, 2021

Dagaalka ka socda Itoobiya ayaa ka bilawday dib u dhigsita Doorashada Federaalka August 2020 kaddib markii Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed uu qiil ka dhigtay Xaaladda Covid-19 oo xiligaas xawaare ku socday guud ahaan Caalamka.

Ismaamulka Tigray ayaa ka dhega-fureystay dalabka Abiy, ismaamulkaas ayaa qabsaday Doorasho ka madaxbannaan Federaalka balse inta aan la shacin natiijada waxaa November 2021 duullaan ku qaaday Xukuumadda Abiy Ahmed oo garabsaneysa Eretareeya.

Todobaadyo ayaa lagu jebiyay Xoogagga TPLF oo waxaa gacantooda ka baxay dhul baaxad weyn oo ay ugu weyn tahay Caasimadda Ismaamulka Tigray ee Mekelle, waxaana ka dhashay dagaalkaas dhimasho, dhaawac, Barakac, Burbur & xaalado bani aadamnimo.

Xukuumadda Abiy Ahmed waxa ay lumisay kalsoonida Mareykanka, Qaramada Midoobay, Midowga Yurub & Dalal kale oo Itoobiya waqti fog taageero siinayay, taasi waxaa ka dhashay in ay niyad yeeshaan Xoogagga Tigray oo dib isu soo abaabulay.

Ciidanka TPLF ayaa diiradda saaray Magaalooyinka Muhiimka ah ee Itoobiya, dagaal ayay ku qabsadeen Deegaanno ka baxsan Ismaamulkaan sida Amxaarada & Oromada, waxa uu hamigoodu yahay in ay gacanta ku dhigaan Caasimadda Dalkaas ee Addis Ababa.

Magaalada Dessie waxa ay Addis Ababa u jirtaa (396.8 km), socod ahaan waa 8-saac 14-daqiiqo, taasi waxa ay keentay in Xukuumadda Abiy Ahmed ay ku baraarugto awoodda xoogaggaan oo damacooda qabsashada Addis Ababa aan la gamban.

Xukuumadda Abiy ayaa ku dhawaaqday xaalad degdeg ah oo Dalka la geliyay 2-dii November 2021, Wasiirka Xafiiska Caddaaladda DDS Axmed Xaaji Samatar waxa uu sheegay in la joojiyay xorriyadda hadalka, dhaqdhaqaaqa Dadka & heysashada Hubka.

Sababta waxa uu ku sheegay in xaaladda degdega ah marka lasoo rogo in xitaa la xiri karo Dadka bilaa dambi ama warqad maxkamad la’aan, halka lala wareegayo hubka lagu qabto dadka ama laga soo qaado meelaha la dhigto.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post