870 Views

Xiisadda Ukraine: Saddex aag oo uu Ruushka ka billaabi karo duullaanka laga baqayo

Xiisadda Ukraine: Saddex aag oo uu Ruushka ka billaabi karo duullaanka laga baqayo
____________________________________________________________________________


Axad: February 13, 2022

Xilli aan wax natiijo ah laga gaarin dedaallo diblomaasiyadeed oo maalmihii la soo dhaafay lagu doonayay in Ruushka looga baajiyo duullaanka la sheegay inuu ku qabsan rabo Ukraine, ayaa waxaa soo badanaya waddamada muwaadiniintooda kala baxaya Kyiv.

Ruushka ayaa ciidan ka badan boqol kun oo askari iyo hubka noocyadiisa kala duwan ku daabulay xuduudda uu la wadaago Ukraine, waxaana taasi ay abuurtay walaac ah in duullaanka uu billaaban karo xilli kasta.

Hadaba warbixintan waxaan ku eeggi doonnaa saddex aag oo uu Ruushka ka billaabi karo duullaanka milateri ee la rumaysan yahay inuu ku qaadi rabo Ukraine.

Bariga Ukraine

Waxaa si weyn indhaha loogu hayaa gobollada Donetsk iyo Luhansk ee ku yaalla bariga Ukraine balse sheegay inay ka go’een dalkaas. Tan iyo sanadkii 2014, waxaa deegaannadaas ku dagaallamayay ciidamada Ukraine iyo fallaago gooni u goosad ah oo gacan ka helaysa Ruushka.

Khubarada milateriga ayaa rumaysan in aaggan uu yahay kan ugu sahlan ee uu Ruushka ka billaabi karo duullaankiisa, maadaama uu horay u geeyay ciidan xooggan.

Muuqaallo satellite lagu qaaday oo ay baahisay qaar kamid ah warbaahinta Galbeedka ayaa muujinaya in ciidamada Ruushka ay maalmihii la soo dhaafay wadeen dhaq-dhaqaaq ay ugu dhawaanayaan furimaha ay ku sugan yihiin ciidamada Ukraine.

Ruushka ayaa la rumaysan yahay in ciidan iyo hub uu ka daabulay saldhigga weyn ee Yelnya uu geeyay gobolka Bryansk ee u dhaw Ukraine. Qiyaastii 700 oo taangi ayaa la rumaysan yahay inay hadda halkaa ku sugan yihiin.

Ciidamada Ukraine ayaa difaacyo adag ka sameystay aaggaas, waxaana ay isu diyaarinayaan duullaan xilli kasta uga iman kara Ruushka.

Belarus

Ciidamo tiro badan oo todobaadkii la soo dhaafay uu Ruushka geeyay dalka Belarus oo xiriir wanaagsan la leh Moscow ayaa walaac xooggan ku abuuray dalalka Galbeedka.

Ruushka iyo Belarus ayaa toban maalmood ka hor shaaciyay in ciidamadooda ay wadajir u sameynayaan dhoolatus milateri.

Waxaa la rumaysan yahay in Ruushka uu ciidamadii ugu badnaa tan iyo dagaalkii qaboobaa uu u diray Belarus, iyadoo uu xoghayaha guud ee NATO, Jens Stoltenberg, ku dooday in ciidankaas ay gaarayaan “30 kun oo ay kamid yihiin kuwa hawlgallada gaarka ah fuliya ee Spetsnaz loo yaqaan iyo diyaaradaha dagaalka ee SU-35.”

Wasaaradda gaashaandhigga ee Ruushka ayaa sheegtay in dhoolatuska oo loogu magac daray “Allied Resolve-2022,” uu qeyb ahaan ka hortagi doono “Cadowga dibedda.”

Crimea

Ruushka ayaa Crimea xoog kula wareegay sanadkii 2014, waxaana ay kamid tahay aaggaga la tuhunsan yahay in xukuumadda Moscow ay u adeegsan karto duullaan ka dhan ah Ukraine.

Muuqaallo lagu duubay satellite ayaa muujinaya in Ruushka uu ciidan iyo hub badan geeyay caasimadda Crimea ee Simferopol.

Isla maalinta muuqaalka la helay ayaa waxaa sidoo kale la ogaaday in Ruushka uu dhowr markab oo dagaal geeyay dekadda ugu weyn Crimea ee Sevastopol. Wasaaradda gaashaandhigga ee Ruushka ayaa Khamiistii baahisay sawiradda lix maraakiibta dagaalka ah oo ku xirtay dekeddaas.

Ciidanka badda ee Ukraine oo arrintaas ka jawaabaya ayaa sheegay in Ruushka uu aag milateri ka dhigay badda madow, si uu cadaadis u saaro xukuumadda Kyiv iyo caalamkaba.

Xaaladihii u dambeeyay xiisadda Ukraine

Wasiirka gaashaandhigga ee Britain, Ben Wallace, ayaa sheegay in dedaallada diblomaasiyadeed ee ay wadaan dalalka Galbeedka si looga baaqsado in Ruushka uu ku duullo Ukraine, ay la mid yihiin kuwii looga hortagayay dagaalkii labaad ee dunida.

Wallace ayaa u sheegay wargeyska Sunday Times ee ka soo baxa London in xaalku hadda marayo sidii maalmihii ugu dambeeyay ee lagu qancin rabin nidaamkii Naziga Jarmalka in uusan billaabin dagaalka.

Hadalka wasiirka ayaa ku soo beegmaya xilli hogaamiyayaasha Maraykanka iyo Faransiiska ay Sabtidii telefoonka kula hadleen madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin.

Madaxweyne Biden ayaa Putin u sheegay in Maraykanka iyo xulafadiisa ay dhaqaalo ahaan wiiqi doonaan Ruushka haddii uu billaabo duullaanka.

Ruushka ayaa dhankiisa ku doodaya in xukuumadda Washington ay ku guuldaraysatay wax ka qabashada walaaca amni ee ay qabto Moscow.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post