405 Views

Madaxweynaha Ukraine oo sheegay gardarada Ruushka aysan marnaba ku koobneyn Ukraine oo kaliya, Yurub oo dhanna ay tahay bartilmaameed

Madaxweynaha Ukraine oo sheegay  gardarada Ruushka aysan marnaba ku koobneyn Ukraine oo kaliya, Yurub oo dhanna ay tahay bartilmaameed
____________________________________________________________________________



Axad: April 10, 2022

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky, ayaa sheegay xilli sabtidii khudbad uu jeedinayay in gardarada Ruushka aysan marnaba ku koobneyn Ukraine oo kaliya, Yurub oo dhanna ay tahay bartilmaameed.

Mr Zelensky ayaa ku booriyay reer galbeedka in ay cunaqabatayn buuxda ku soo rogaan wax soo saarka tamarta ee Ruushka iyo in ay Ukraine siiyaan hub dheeraad ah. Waxa uu sheegay in adeegsiga Ruushka uu yahay “masiibo lama huraan ah oo qof walba ku dhici doonta”.

Mr Zelensky ayaa sheegay in Ukraine ay diyaar u tahay dagaal adag, iyadoo ciidamada Ruushka ay isku uruursanayaan bariga dalkaasi.

Balse waxa uu intaa ku daray: “Kani waxa uu noqon doonaa dagaal adag, waxaanu aaminsanahay dagaalkan iyo guushayada, waxaanu diyaar u nahay in aanu isku mar dagaalano, oo aanu raadino habab diblomaasiyadeed oo lagu soo afjaro dagaalkan.”

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post