732 Views

Webiga dhexmara Baledweyne waxaa saaka laga lehay maydka laba wili oo walaalo ah

Webiga dhexmara  Baledweyne waxaa saaka laga lehay maydka laba wili oo walaalo ah
____________________________________________________________________________

Axad: July 18, 2021

Webiga dhexmara magaalada Baledweyne waxaa saaka laga lehay maydka laba wili oo walaalo ahaa, kuwaas oo shalay ku dhacaya Webiga Shabelle, sida ay xaqiijiyeen ehelada wiilashadan.

Labadan wiil magacagyadoodu kala ahaayeen Khaalid Nuur Caddow iyo Faysal Nuur Caddow, ayaa meydkooda laga helay xaafadda Buundoweyn ee magaalada Baladweyne.

Wariyaha VOA ee magaalada Baladweyne Xusen Dhaqane ayaa ku soo warramaya in Khaalid oo ahaa 12-jir iyo Faysal oo ahaa 8-jir ay dhigan jiree dugsi Qur’aan, Isla markaana loo fasaxay farxadda ciidda daraadeed, waxaana geeridooda soo sheegay wiil saddexaad oo la socday.

Meelaha looga dabaasho webiga Shabeelle ee magaalada Baladweyne oo ay waxyeello u geysteen fatahaadihii iyo dadadkii sanadihii ugu dambeeyay, Isla markaana aan helin dayactir, aysanna joogin ilaalo gooni ah ayaa sababa dhimashada dhallinyaro badan oo webigan u dabaal taga, kuwaas oo maalmo kaddib uu dibadda u soo tufo meydkooda.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post