963 Views

DFS & Maamulka K/Galbeed oo ku dhawaaqay howlgal culus

DFS & Maamulka K/Galbeed oo ku dhawaaqay howlgal culus
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September- 25-2019 —Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Maxamed (Amar-Dambe) iyo Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ayaa siwqadajir ah waxaa ay u sheegeen inay ka go’an tahay sidii la isugu furi lahaa wadooyinka iyo magaalooyinka ay go’doomiyeen Al-Shabaab.

 

Wasiir Amar-dambe waxaa uu sheegay in ka Wasaarad ahaan xilligaan oo lagu jiro kala guurka uu qorshohooda ugu horeeya uu yahay isku fuitaanka deegaannada u go’doonsan Al-Shabaab,sida wadada Muqdisho iyo Baydhabo & Baydhabo iyo hiiraan iyo Gobolada kale.

 

 

 

Sidoo kale waxaa uu sheegay Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga in Dowladda ay diyaarisay ciidamo farabadan oo ka qeyb-qaata dagaalka ka dhan ah Al-Shabaab ee wadooyinka lagu furayo,kuwaas oo la howlgallaya Ciidamada AMISOM.

 

Dhinaca kale Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen) ayaa sheegay in Ciidamada Koonfur Galbeed jooga ay u qeyb-samaan saddex qeybood,isla markaana ay wadaan sidii ay u diyaarin lahaayeen Ciidamada howlgalka wada furista ah kala qeyb qaadanaya kuwa AMISOM.

 

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulada ka jira dalka ayaa dhowr jeer waxaa y ku cel celiyeen inay bilaabayaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab oo wadooyinka la isugu furaayo,hayeeshee taasi aysan dhaqan-gelin.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment