249 Views

Suxafiyiita Iran oo soo saaray bayaan ay ku cambaareynayaan xariga loo geystay qaar ka mid ah wariyayaasha

Suxafiyiita Iran oo  soo saaray bayaan ay ku cambaareynayaan xariga loo geystay qaar ka mid ah wariyayaasha
____________________________________________________________________________

Axad: OCTOBER 30, 2022

Boqolaal suxafiyiin ah oo u dhashay dalka Iran ayaa soo saaray bayaan ay ku cambaareynayaan xariga loo geystay qaar ka mid ah wariyayaasha intii ay socdeen mudaaharaadyada dowladda looga soo horjeedo.

Bayaanka wariyayaashan ay ku dalbanayaan in la siidaayo Suxufiyiinta xiran ayaa lagu daabacay qaar ka mid ah wargeysyada dalka Iran.

Waxaa suxafiyiintan xiran ka mid ah Niloofar Hamedi iyo Elaheh Mohammadi, oo ka mid ahaa wariyayaashii ugu horeeyay ee soo tebiyay geerida Mahsa Amini, ee dhalisay dibadbaxyada.

Dowladda Iran ayaa wariyayaasha xiran ku eedeeysay in ay la shaqeeyaan CIA.

 Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post