882 Views

FBI-da oo baadhaysa email-o been ah oo laga diray kombuyuutaradeeda

FBI-da oo baadhaysa email-o been ah oo laga diray kombuyuutaradeeda
____________________________________________________________________________

Isniin : November 14, 2021

FBI-da ayaa billowday baadhitaan kaddib markii kumannaan farriimo e-mail oo been abuur ah laga soo diray mid ka mid ah Server-yadooda, waxaanay fariimahaasi ka digayeen suurtagalnimada weerar internet-ka ah.

Hay’adda ayaa sheegtay in dhacdadaas oo subaxnimadii Sabtida laga war helay ay qayb ka tahay “xaalad socota” laakiin ma ay bixin faahfaahin dheeraad ah.

Farriimahaa la sheegay inay ka yimaaddeen waaxda amniga gudaha ee Maraykanka.

Waxaana lagu sheegay in ay digniin ka bixinayaan khatar soo fool leh, waxaana cinwaan looga dhigay: “Degdeg: Halista soo dhex gashay kombuyuutarrada.”

E-mail-ladu waxay u sheegeen dadka loo diray in lagu beegsanayo “weeraro casri ah oo xidhiidh ah” oo ay soo qaadayaan koox dadka kombiyuutarada ka jabsada oo lacago baad ka ah qaata lana yidhaa Dark Overlord, sida lagu baahiyey website-ka la socda weerarada noocaas ah ee la yidhaa Spamhaus.

“Waxay abuurayaan khalkhal badan sababta oo ah Meesha laga soo diray waa serverrada FBI,” ayaa Spamhaus ku sheegay barta ay ku leeyihiin Twitter-ka, iyag oo intaa ku daray in email daas aanay la socon magacyo shakhsiyaad ka shaqeeya xarunta laga soo diray.

Sida laga soo xigtay warbaahinta Mareykanka, in ka badan 100,000 email ayaa la diray.

Warbixin ay Sabtidii soo saartay FBI-du waxay ku sheegtay inay ka warqabto dhacdado kale oo ah fariimo been abuur ah oo laga diray ciwaanka emailka ee @ic.fbi.gov

Hay’addu waxay sheegtay in qalabkii uu saameeyay si degdeg ah hawada looga saaray ka dib markii arrinta la ogaaday, waxayna uga digtay shacabka inay “ka digtoonaadaan dadka soo diraya oo aan la garanayn” iyo inay dawladda u soo sheegaan dhaqdhaqaaqyada ay ka shakiyaan.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post