2472 Views

Madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo gaaray Nairobi (Galmudug, Jubbaland iyo Puntland oo shir ku leh)

Madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo gaaray Nairobi (Galmudug, Jubbaland iyo Puntland oo shir ku leh)
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | April 20, 2019 –Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni ayaa xalay ka degay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, isagoo ku biiray Madaxda Maamul goboleedyada Jubbaland iyo Galmudug oo horay uga sugnaa.

Sida wararku sheegayaan Madaxweynaha Puntland ayaa maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa dalka isu tagga Imaaraadka Carabta, halkaasoo uu kula kulmay Mas’uuliyiin iyo Madaxda Shirkadda DP World.

Imaatinkiisa Nairobi ayaa lagu sheegay inuu yahay shir uu la yeelan doono Wakiilada Beesha Caalamka iyo shir gaar ah oo dhex mari doona Madaxda Jubbaland iyo Galmudug oo ay xulufo yihiin.

Wararka laga helayo Nairobi ayaa sheegaya in Madaxda maamul goboleedyada Puntland, Galmudug iyo Jubbaland uu maanta shir gaar ah yeelan doonaan, waxaa ay sidoo kale wadajir ula kulmi doonaan Wakiilada Beesha Caalamka iyo waxa loogu yeero deeq bixiyeyaasha.

Maamuladan ayaa dadaal ugu jira sidii ay taageero toos ah uga heli lahaayeen Beesha Caalamka oo dhowaan ku dhawaaqday inay dib u soo cusbooneysiineyso barnaamijkii la macaamilka maamulada, oo horay dowladda iyo maamul goboleedyada si gaar ah loola macaamili jiray.

 

Khilaafka ragaadiyay dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa sabab u noqday in dowladdu hakiso mashaariicdii horumarinta oo dowladdu siyaasadeysay, maadaama Beesha Caalamka ay dowladda Federaalka soo marsiin jirtay mashaariicda horumarineed iyo taageerada dhaqaale ee loogu tala galay Gobolada.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment