696 Views

Booliska oo Muqdisho ku soo rogay Bandow lagu sugayo amniga doorashada Madaxweynaha.

Booliska oo Muqdisho ku soo rogay Bandow lagu sugayo amniga doorashada Madaxweynaha.
____________________________________________________________________________

Sabti: May 14, 2022

 

Taliska Booliska Soomaaliya ayaa bandow kusoo rogay magaalada Muqdisho, kaas oo ka bilaabanaya 9:00 fiidnimo ee caawa, ka hor doorashada madaxweynaha oo dhaceysa Axada berri ah, waxaana Bandowga uu socon doona ilaa lixda subaxnimo ee Isniinta.


Tallaabadan ayuu afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliya Gaashanle Cabdifitaax Aadan Xasan ku sheegay in ay tahay mid amni.

“Waxaa lagama maarmaan noqotay in la sugo ammaanka guud ee dalka xilliga lagu jiro doorashada madaxweynaha” ayuu yiri Gaashanle Cabdifitaax.

Waxa uu sheegay in la hakin doono dhammaan dadka iyo gaadiidka xilliga lagu jiro bandowga, wuxuuna sheegay in haddii dadweynaha ay lasoo gudboonaadan xaalado deg-deg ah inay la soo xiriiri karaan booliska, si ay u caawiyaan.

Afhayeenka Booliska ayaa sheegay in Shacabka laga doonayo inay soo adeegtaan galabta illaa caawa ka hor Bandowga inta uusan bilaaban.

Maalinta beri ayaa la filayaa in magaalada Muqdisho lagu qabto doorashada madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post