2907 Views

Khasaare ka dhashay is rasaaseyn ka dhacday Suuqa Bakaaraha

Khasaare ka dhashay is rasaaseyn ka dhacday Suuqa Bakaaraha
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL |  09 Oktoobar, 2017 – Ugu yaraan labo Qof ayaa ku dhaawacntahay kaddib markii Ciidamada Nabad Sugidda Soomaaliya ay Suuqa Bakaaraha isaga hor yimaadeen koox Lacago baad ah ka qaata Ganacsatada Suuqa.

Goobjooge ka tirsan Ganacsatada Suuqa Bakaaraha ayaa u sheegay Qaranimo Online in Ciidamada Nabad Sugidda ay ku dul yimaadeen Ragga Lacagta baadda ah ka qaadayay Ganacsatada kaddibna ay rasaas is dhaafsadeen,taas oo sababtay dhaawaca labo Qof.

Dadka dhaawacmay ayaa kala ah Qof ka mid ah Ganacsatada oo uu Goobjooguhu noogu sheegay in Lugaha uu ka dhaawacmay halka qof ka kalena uu ka mid ahaa Ragga lacagta baadda ah qaadayay kaas oo isna Caloosha xabad uga dhacday.

Isku dhaca ayaa waxaa uu ka dhacay Suuqa Bakaaraha Qeybta Kabaha,gaar ahaan dhabarka dambi ee Masaajidka Daawada,halkaas oo uu Ganacsigiina muddo kooban hakad galay.

Xaaladda suuqa ayaa hadda sidii hore ku soo laabatay,iyada oo Ciidamada Nabad Sugidda ay wlai ku jiraan Gudaha Suuqa Bakaaraha.

Ciidamadan ayaa dhowr jeer hubka ka qaaday Ciidanka kale ee lacagaha sharci darrada ah ka ururiya Suuqa,iyada oo digniin hore oo la siiyayna ay ka dhega fureysteen sida uu sheegay Goobjoogaha nagala hadlay Suuqa Bakaaraha.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment