4539 Views

Dr. Cali Cusmaan: “Cabdi Bile halyey uu Qaranka Soomaaliyeed ku faano”

Dr. Cali Cusmaan: “Cabdi Bile halyey uu Qaranka Soomaaliyeed ku faano”
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 08, 2018 | Dr. Cali Osman – Halyey Cabdi Bile Cabdi waa shaqsiga ummadda Soomaaliyeed martabad fiican ka joogo,waa calaamad xambaarsan sharafka iyo qiimaha shacabka Soomaaliyeed,waa Halyey caan ka ah addunka afartiisa dacal,waa kan ugu xurmad badan Ummadda Soomaaliyeed guud ahaan gaar ahaan Isboortigeena,waa astaan iyo heybad dalka Soomaaliyeed ay leedahay,waa geesi u soo kifaacay magaca Soomaaliyeed meel weynna gaarsiiye,Waxaan ku haynaa qadarin aan la koobi karin,waxaadna iga gudoontaa hambalyo anigoo ku hadlaayo maamulayaashi Isboortiga Soomaaliyeed,Halyeeyadii noocyadda Isboortiga ee kala duwan ee 60kii sano ee ugu dambeeyey inta nool iyo inta dhimatay,waxaana ku cadeynayaa in aan kuu hayno abaal aan weligii duugoobeynin kana ballan qaadeyno in aan halgankaada u gudbino jilalka soo koraayo annagoo la khaashaneyno Ummadda Soomaaliyeed iyo madaxa Qaranka.

AFAR DHACDO OO AAN MARQAATIGA NOOL KA AHAY (Dr. Cali Cusmaan)

1) Horaantii sanadadii sedeetamaadkii waxaan ahaa Gudoomiyaha Isboortiga ee Gobolka Benaadir,waxaana Hoolka Shirarka ee Gobolka Benaadir ka dhacay shir illa hadda aan maskaxdeyda ka go’in,waxaana shirkaasi ka soo qeyb galay madaxda Isboortiga ee degmooyinka Gobolka Benaadir,waxa kaloo goob joog ka ahaa Gudoomiyihii Xiriirka Soomaaliyee ee Ciyaaraha Fudud Mudane Maxamed Saaalax CHARLEYS iyo Cumar Axmed Jaamac oo ka tirsanaa Madaxda Xiriirka Soomaaliyeed ee Ciyaaraha Fudud,waxa kaloo shirkaasi ka soo qeyb galay Ciyaaryaha Cabdi Bile Cabdi oo markaa u ordaayey Naadigii Wakaaladda ganacsiga Ummadda,waxaana shirkaasi dulucdiisu aheyd in aan kala hadlno Gudiyadda Isboortiga ee degmooyinka oo waqgtigaa isu diyaarinaayey Ciyaarihii Degmooyinka Benaadir muhimadda uu Isboortiga u leeyahay bulshada Gobolka Benaadir,waxaana halkaa khudbad qiimo leh ka jeediyey Halyey Cabdi Bile Cabdi oo soo bandhigay ahmiyadda Isboortiga uu leeyahay isagoo sii raaciyey hadafka iyo barta uu tiigsanaayo,waxaana marka ka muuqday shucuur wadaninimo iyo Isboortinimo, oo ugu dambeyntii uu gaaray halkii uu tiigsanaayey.

2) Sanadku markuu ahaa 1985kii waxaan ahaa tababaraha Xulka Qaranka Soomaaliyeed ee Kubadda Koleyga ee Gabdhaha,waxaana ka qeyb galnay Tartankii Carabta ee lagu qabtay Dalka Marooko,waxa kaloo ciyaarahahaasi ka qeyb galay Kooxda Kubadda Cagta Qaranka Soomaaliyeed,Kooxda ciyaaraha Fudud ee Soomaaliya iyo kooxa kale oo matalaayey Qaranka Soomaaliyeed,waxaana tartanka 1500m ku tartamaayey Halyey Cabdi Bile Cabdi iyo Saciid Cuweta,waxaan maalintaasi aan fadhiyey garoonka lagu tartamaayey,waxa iga muuqday welwel badan,marba gees ayaan u dhaqaaqaa,waxaana ugu dambeyntii la soo gaaray waqtigii la tartamaayey,waxaana laga dhawaajiyey dhawaaqii tilmaamaayey in uu tartankii bilaaban karo,waana tartan aad loo wada sugaayey,waana lagu tartamaa sedex wareeg iyo 300m,waxana baratankii isugu soo haray Halyey Bile iyo Cuweta,waxaana Halyey Bile looga qaaday il-biriqsiyo,waxaana hal mar wada saadaaliyey qorayaashii ka faaloonaayey isboortiga iyagoo odorasay in mustaqbalka dhaw uu Halyey Cabdi Bile Cabdi noqon doono Horyaalka 1500mt,waxay ii aheyd dhacdo aan waligey xusuusan doono……Laakiin waxa ii cadeyd in Halyey Bile uu wadadii cadeyd uu cagta saaray..

3) Waxay aheyd maalin Axad ah taarikhdu waxay ku beegneyd September 6,1987,waxa dalka Talyaaniga ka socday tartankii addunka ee Ciyaaraha Fudud,waxaana nooga qeyb galaayey Halyey Cabdi Bile Cabdi,waxaana wafdiga Hogaaminaayey Xoghayihii Xiriirka Soomaaliyeed ee Ciyaarha fudud Mudane Cumar Axmed Jaamac(Cumar Dhegeweyne),Waxaan dhex fadhinay Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Isboortiga,waxaan ka koobneyn shaqsiyaadka kala ah Maxamed Saalax Charleys,Aaaden Xaaji Yabarow AUN,Xaaji Colow,Dr. Cali Cusmaan,Garsoore Caalami Maxamed Mukhtar,Abukar Abanuur AUN,waxaana dhawreynay natiijadda,waxaana ciyaarahaasi kala soconay RAI_ITALIANO,iyo mar kastaba uu Cumara Dhegaweyne noo soo gudbinaayey jawiga iyo halka ay arrini mareyso,Tartankaas waxa uu ahaa mid aduunyada oo dhan ay dhawreysay natiijadda,waa Alle Mahadii waxa guushaas si xarago leh ku qaaday Halyey Cabdi Bile,oo rayadiisii rumowday,waxa laga damaashaaday Soomaali oo idil……waana taarikh qof kastoo oo samaali ah uu xusuusnaan doono(Halyey Bile tartankaas waxa uu dhigay Rikoor oo ahaa mid galay taarikhda ka dib markii uu ku orday 1;46 800 ee Finaalka.

4) Sanadku markuu 1996 waxaan ka mid ahaa Hogaamiyayaashii wafdigii Soomaaliyeed ee ka qeyb galaayey Tartankii Olimpigadda ee lagu qabtay Magaaladda Atlanta,Halyey Cabdi Bile waxa uu ka qeyb galaayey tartakii ciyaaraha fudud isagoo diyaar garow wanagsan uu ka muuqday,markii uu tartankii bilawday ayaa mid Habaar qabo Halyey Bile jalaafay,sidiina ayaa looga guuleystay,iyadoo Halyey Cabdi Bile uu maanta taarikhda ciyaaraha uu uga jiro baal dahab ah.

cali-osman-2 cali-osman-3

LA KULANKEYGII HALYEEYADDA OLIMPIGADDA IYO MAAMULAYAASHA ISBOORTIGA,

Waxaan nasiib u yeeshay in aan la kulmo Halyeeyo Isboorti oo addunka laga qadariyo,waxayna dhamaantood ka wada sinaayeen in uu Halyey Cabdi Bile ka mid yahay halyeeyadda aysan waligood iloobi doonin,xurmad iyo qadarinna u soo jiiday Ummadda Soomaaliyeed,marka erayadaasi ay dhegaheyga ku soo dhacaan waxa i gala qiiro aan la qiyaasi karin,waan jiriricyoodaa,waxaa i hor yimaada guulahii uu gaaray Halyey Bile,Waligeed Umadda Soomaaliyeed kuma iloobi doonto..

cali-osman-15 cali-osman-16

GURIGA WASIIR SACIID QORSHEEL IYO CASUUMAD HALYEY BILE

Wasiir Saciid Jaamac Cali(Saciid Qorsheel) waa Halyey Isboortiga Soomaaliyeed qiimo ku leh waxa uu ka mid ahaa Xulka Qaranka Soomaaliyeed muddo aad u fog,isagoo waliba ahaa kabtanka Xulka Qaranka Soomaaliyeed,waxaan ka wada tirsaneyn Xulka Kubadda Koleyga Soomaaliyeed,waxaana ka wada qeyb galnay illa 60 Ciyaaro oo caalami ah,waa shaqsi ay Soomaalinimadda ku dheertahay,waxaana anigoo ku hadlaayo wasiir Saciid Qosheel u jeedinayaa Mahadcelin aan la koobi karin sidii uu u maamuusay Halyey Cabdi Bile Cabi uuna dareensiiyey qadarinta ay Ummadda Soomaaliyeed u hayso.Mahadsanid Wasiir Saciid Qorsheel.

cali-osman-1 cali-osman-21 cali-osman-18

HALYEY CABDI BILE IYO SOO DHAWEYNTII DAWLADDA SOOMAALIYEED.

Madaxweyne Farmajo,Raisul wasaare Kheyre,Khadiijo Dirie Wasiirka Isboortiga iyo Injineer Yariisow Duqa Magaaladda waxaan idinka mahadcelineynaa sida xushmadda laheyd oo aad u soo dhaweyseen Halyey Cabdi Bile,soo dhaweyntiinii waxay dhiiri gelin u noqoneysaa dadkii isboortiga buddhigayaasha u ahaa,sidoo kale waxay astaan wanagsan oo dhiirigelin ah u tahay jiilalka soo koraayo,

anigoo ku hadlaayo dadkii Isboortiga ku soo dhex jiray 60-kii sano ee ugu dambeeyey idin soo gudbineynaa hambalyo annagoo weliba idin hayno abaal ma guuraan ah sida hawshii qiimaha laheyd oo aad ka qabateen Isboortiga Soomaaliyeed muddadii yareyd oo hogaan Qaranka Soomaaliyeed hayseen.

cali-osman-13 cali-osman-14 cali-osman-17 cali-osman-19 cali-osman-9 cali-osman-6 cali-osman-4 cali-osman-7

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment