1440 Views

Akhriso:-Yaa Ku Guuleystay Doorashadii Madaxtinimadda Dalka Nigeria?

Akhriso:-Yaa Ku Guuleystay Doorashadii Madaxtinimadda Dalka Nigeria?
____________________________________________________________________________

Mogdishu | QOL | Febaraayo 27, 2019 –Guddiga Doorashadda ee dalkaasi waxay ku dhawaaqeen inuu Madaxweyne Maxamadu Buhaari mar 2-aad ku guuleystay Doorashadii Madaxtinimadda ee bilowgii isbuucan ka dhacday dalkaasi.

Madaxweyne Buhaari oo 76-jir ah ayaa la sheegay inuu helay 56% cod-bixintaasi, halka Murashaxa 2-aad ee ku xigay oo lagu magacaabo Atiku Abubakar oo 72 jir uu helay 41%.

Qoraal uu Madaxweyne Buhaari soo dhigay bartiisa Twitter-ka waxa ka muuqada isagoo dhoola-caddaynaya, isla markaana ay ku hareeraysan yihiin shaqaalaha Xafiiskiisa Ololaha Doorashadda.

Dhanka kale, Siyaasiyiinta Mucaaradka ee dalkaasi waxay ka biyo-diideen Natiijadda, iyadoo in ka badan 260 qof lagu dilay tan iyo markii ay Ololaha doorashadda Nigeria bilowdeen bishii October ee sannadkii hore.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogdishu 

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment