423 Views

Guddoomiye ku-xigeenka Jaamacadda ACCORD oo la kulmay Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub

Guddoomiye ku-xigeenka Jaamacadda ACCORD oo la kulmay Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub
____________________________________________________________________________

Khamiis, 26 Janaayo [Qaranimo Online] Xoghayaha Hay’adda UNASOM Prof. Abdulkadir Basheer Mohamed ayaa Magaalada Brussels ee waddanka Beljam-ka kula kulmay Danjiraha Soomaaliya u fadhiya waddamada Benelux & Midowga Yurub Yoonis Yaashiin Xaashi [Ooga-cadde].


Danjire Yoonis, ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay ku jiray olole la doonayo in lagu dayactiro dhismayaashii Dowladdii Soomaaliya ay ku laheyd dalkaasi, gaar ahaan gurigii uu daganaa safiirkii Soomaaliya ee Beljam-ka, isaga oo kaga warbixiyay Prof. Abdulkadir xaalada dhismahaasi & dedaalo uu doonayo inuu ku soo celiyo sumcadii & meeqaamkii Soomaaliya ay ku laheyd Midowga Yurub.


“Dhismahani oo ah dhisme aad u ballaaran, kuna fadhiya dhul istaraatiiji ah wuxuu ku yaalaa meel ay degan yihiin dadka ladan, maadaama aan wax dayactir ah lagu sameyn muddo 32 sanno ah, waxaa ka soo dacwooday dadkii deriska lahaa” Ayuu yiri Danjire Yoonis, wuxuuna intaasi raaciyay in isaga oo kaashanaya jaaliyadaha Soomaalida ee Beljam & Netherlands ineey billaabi doonaan olole lagu jarayo dhir ballaaran oo ka gudaha guriga & hareerihiisa ka baxday.


Danjire Yoonis & Xoghayaha Hay’adda UNASOM Prof. Abdulkadir Basheer Mohamed ayaa booqday dhismahaasi, wuxuuna Abdulkadir dhinaciisa balanqaaday inuu diyaar u yahay ka qeybqaadashada sidii loo soo celin lahaa bilicda hantidii Qaranka Soomaaliya uu ku lahaa dalkaasi.

“Danjire Yoonis, wuxuu wadaa dedaalo dhaxalgal ah, waa shaqsi ay ka go’an tahay inuu soo celiyo meeqaamkii ay Soomaaliya ku laheyd dalkan, waxaan uga mahadcelinayaa soo dhoweyntiisa, waxaanna ka dalbanayaa Jaaliyadaha Soomaaliya in dedaaladda dayactirka dhismahan laga wada qeybqaato” Ayuu yiri Xoghayaha Hay’adda UNASOM Prof. Abdulkadir Basheer Mohamed, oo dhinaca kalena ah Guddoomiye ku-xigeenka Jaamacadda Accord.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post