942 Views

Ruushka oo ka Dhawaajiyay Xiliga uu adeegsan Doono Hubka Nucliyeerka

Ruushka oo ka Dhawaajiyay Xiliga uu adeegsan Doono Hubka Nucliyeerka
____________________________________________________________________________


Axad: May 29, 2022

Safiirka Ruushka u fadhiya Britain ayaa BBC u sheegay in aanu rumeysneyn in dalkiisa uu adeegsan doono hubka Nukliyeerka ee ‘Taatikada ah’ xilli uu socdo dagaalka Ukraine.

Andrei Kelin ayaa sheegay in marka loo eego qawaaniinta u yaalla militariga Ruushka, hubkan oo kale aan loo isticmaali karin iskahorimaadyadan noocan oo kale ah.

Ruushku waxa uu leeyahay sharci aad u adag oo qeexaya isticmaalka hubkan, ayuu yiri.

Wuxuu intaa ku daray in hubkan la adeegsan karo oo kaliya ah marka halis la geliyo jiritaanka dawladda.

“Hubka Nukliyeerka wax shaqo ah kuma lahan hawlgalka hadda socda,” ayuu yiri safiirka oo u warramayay barnaamijka Sunday Morning.

Markii Vladimir Putin uu heegan sare galiyay ciidamadiisa nukliyeerka dabayaaqadii bishii Febraayo ka dib duullaankii uu qaaday Ukraine, waxaa arrintaas loo arkay digniin.

Putin wuxuu ku eedeeyay dalalka reer galbeedka iyo isbaheysiga Nato inay wadaan tallaabooyin daandaansi ah, Laakiin Xoghayaha gaashaandhigga ee UK Ben Wallace ayaa ku tilmaamay hadalkaas isku day lagu doonayo in dadka looga jeediyo waxa ka socda Ukraine.

Hubka Nukliyeerka ah ee taatikada ah waa mid gaari kara masaafo aad u yar, marka loo eego hubka nukliyeerka ee “istaraatiijiyadeed” kaas oo gaari kara masaafo aad u dheer, waxay arrintan soo shaac bixineysaa aragtida laga qabo dagaalka nukliyeerka.

Nukliyeerka ‘Taatikada’ ah waxaa hoos imaanaya noocyo badan oo hub ah, oo ay ku jiraan bambooyinka yaryar iyo gantaallada.

Safiirka wuxuu sidoo kale beeniyay in ciidamada Ruushka ay duqeeyeen goobaha ay ku nool yihiin dadka rayidka ah, wuxuuna sheegay in eedeymaha dambiyada dagaal ee ka dhacay magaalada Bucha ay ahaayeen “kuwa been ah”.

Mar wax laga weydiyay “Maxay tahay sababta Ruushku uu dagaalkan u wado, oo uu u galo dembiyo dagaal?” Mr Kelin ayaa ku jawaabay: “Duqa magaalada Bucha ayaa hadalkiisii ​​ugu horreeyay ku xaqiijiyay in ciidamada Ruushka ay baxeen, xaaladda magaalada waa iska caadi,wey degen tahay”

“Waxbo kama dhici halkaas, ma jiraan meydad waddada yaallay” ayuu yiri safiirka Ruushka ee UK.

“Wax wax la sameeyay, waa been, dhammaan caddeymahana waa kuwo been ah”

Ruushka wuxuu horraan waxbo kama jiraan ku tilmaamay meydadkii la sheegay inay daadsanayeen magaalada Bucha ee Ukraine xilli ciidamadiisa lagu eedeeyay in dad rayid ah ay ku laayeen halkaas.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post