1116 Views

Jaaliyadda Somaliland ee Ingiriiska oo olole weyn u gashey aqoonsiga Somaliland

Jaaliyadda Somaliland ee Ingiriiska oo olole weyn u gashey aqoonsiga Somaliland
____________________________________________________________________________


khamiis: January 20, 2022

Jaaliyadda Soomaaliland ee ku dhaqan dalka Ingiriiska, ayaa si balaaran ugu dadaaley in qadiyadda Somaliland la horgeeyo baarlamaanka Ingiriiska.

Ololahan ayey jaaliyaddu ka wadey magaalooyin ku yaalla dalka Ingiriiska in muddo ah.

Mas’uuliyiin ka tirsan Jaaliyadda ayaa sheegay in shaqsi shaqsi iyo kooxbainey uga shaqeeyaan hirgelinta aqoonsiga Somaliland.

Waxey cadaadis ku saareen xildhibaanada laga soo doorto deegaanada ay kunool yihiin iney hordhigaan baarlamaanka Ingiriiska qadiyadda gooni isu taagga Somaliland.

Yurub Qaali Faarax, oo ka tirsan xafiiska Somaliland ee dalka Ingiriiska, ayaa tilmaantey intii muda ahba iney dadaal ugu jireen sidii ay aqoonsi ugu heli lahaayeen Somaliland.

Yurub waxey carabka ku dhufatey in dalka Ingiriiska uu kamid yahay dalalka qadiyadda Somaliland si weyn loogga soo dhoweeyey.

Yurub waxey sheegtay in Somaliland ay galiyeen waqti iyo dadaal fara badan in Soomaaliya wada hadal lala yeesho, laakiin taasi ay dhinaca Soomaaliya waxba ka suura gali waayeen.

Tani waxey keentay sida ay sheegtay Yurub Qaali, in Somaliland meel alle iyo meeshii ay ka baadi goobi karto aqoonsigooda iney albaabadooda garaacaan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post