951 Views

Ciidamada liyuu Boolis oo dil & dhaawac u geystay dad Shacab ah

Ciidamada liyuu Boolis oo dil & dhaawac u geystay dad Shacab ah
____________________________________________________________________________

Muqdisho|| QOL| October 20 2021=Ciidamada liyuu Boolis ayaa waxaa ay rasaas ku fureen dad Shacab ah oo banaanbax ka dhigayay degmada Dhuxun ee Gobolka Nogob ee dowlad degaanka Soomaalida, waxaana ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac.

Dadka Shacabka ah oo u badnaa Haween ayaa ka banaan baxayay Carruur ay dhaleen oo dagaalamay kadibna Ciidamadu ay xireen, waxaana rasaasta ku geeriyootay Haween Magaceeda lagu sheegay Nimco halka 5 kale oo Haween ah ay dhaawacmeen.

Qaar kamid ah Bulshada kunool degmada Dhuxun ayaa walaac ka muujiyay tallaabada ay Ciidamada liyuu Boolis ku rasaaseeyeen dad ku bannaan baxayay Saldhiga Booliska hortiisa, iyaga oo dalbaday in askarta falkaasi geysatay Cadaaladda la horgeeyo.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamada liyuu Boolis ay sidoo kale xireen qaar kamid ah hooyooyinka banaanbaxa dhigayay, waxaana arrintan faragelin ku sameeyo si xal loo helo Odayaasha degmada Dhuxun ee dowlad degaanka Soomaalida.

Ciidamada liyuu Boolis dowlad degaanka Soomaalida ayaa waxaa ay marwalba dhibaatooyin kala duwan u geystaan dadka Shacabka ah, waxaana dhowr jeer ay si bareer ah u dileen Shacab Soomaali ah.

Xafiiska Wararka|Qaranimo Onlin| Muqdisho

____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post