825 Views

Ra’iisul Wasaare Rooble oo ka hadlay dadkii ay musaafurisay Somaliland

Ra’iisul Wasaare Rooble oo ka hadlay dadkii ay musaafurisay Somaliland
____________________________________________________________________________

Muqdisho|QOL|October 3, 2021—-Ra’iisul Wasaaraha Xuluumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa nasiib darro ku tilmaamay tallaabadii dad Soomaaliyeed si qasab ah looga soo masaafuriyay degmada Laascaanood, falkaas oo uu ku tilmaamay mid aad looga xumaado.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa bulshada Laascaanood ugu baaqay in ay ka dhiidhiyaan falkaas miwaadiniin Soomaaliyeed looga saaray dhul Soomaaliyeed tallaabadaas oo uu ku tilmaamay mid ceeb ah.

Horay waxaa falkaasi Ciidamada Somaliland kusoo masaafuriyeen dad kasoo jeeda degaannada Koonfur Galbeed ayaa waxaa ka hadlay, Maamulka Koonfur Galbeed, Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya iyo qaar kamid ah Siyaasiyiinta mucaaradka.

Dadka Soomaaliland ay kasoo musaafurisay Magaalada laas-caanood oo gaaraya in ka badan 700 oo Ruux ayaa waxaa ay soo gaareen Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo, waxaana soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Puntland.

Xafiiska \Qaranimo Online|Muqdisho

_____________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post