1503 Views

Mareykanka oo Cunaqabateyn Saaray 17 qof oo Sacuudiga u dhashay

Mareykanka oo Cunaqabateyn Saaray 17 qof oo Sacuudiga u dhashay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  Nofeembar 15, 2018 –Dowladda Mareykanka ayaa  ku dhawaaqday in ay cunaqabateyn saartay 17 qof oo lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen dilkii Wariye  Jamal Khashoggi,kuwaasoo u dhashay dalka Sacuudi Carabiya.

Waxaa ku jira qunsulkii Guud ee hore ee Sacuudiga ee Magaalada Istanbuul Mohammad al-Otaibi.

Maraykanku waxa uu sii wadaa in uu si fiican u shaqeeyo si loo xaqiijiyo dhamaan xaqiiqooyinka, waxaanan qabsan doonnaa mid kasta oo ka mid ah kuwa masuulka ka ahaa dilka si aan u gaarno caddaaladda  Khashogg” ayuu yiri Xoghayaha Maaliyadda Steven Mnuchin.

Waxaa uu  intaa ku daray in baaritaanka xaqiiqda ah ee ay hay’addu waddaan uu siin socon doono ayna sii joojin doonin cunaqabateynta.

Cunaqabateynta Mareykanka ayaa timid ka dib markii Dacwad oogaha Sacuudiga uu maanta  sheegay in ciqaabta dil loo codsaday shan ka mid ah eedeysanayaasha oo lagu soo oogay dacwado ku saabsan inay amreen oo ay fuliyeen dilka, halka lix kale oo lagu eedeey inay kaalin ku lahaayeen dilka ay helaan xukunka ku haboon.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment