1167 Views

Madaxweyne Farmaajo oo shir isugu yeeray Madaxda maamul goboleedyadda

Madaxweyne Farmaajo oo shir isugu yeeray Madaxda maamul goboleedyadda
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL April 06, 2019 –Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markale Casumaad u diray Madaxda maamul goboleedyadda.

Shirkaan ayaa looga hadlaya Xaaladda Ammaanka dalka, la dagaalanka Al-Shabaab iyo dhismaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Caasumaaddaan ayaa todobaadkaan gaartay Madaxda maamul goboleedyadda, waxaana shaki badan laga muujinaya suurtagalnimadda in ay yimaaddaan Muqdisho xilli uu baaqday shir horay loogu ballamay in uu ka furmo Garowe Bishii hore.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku wargaliyay Madaxda maamul goboleedyadda in uu shirkaan yahay Mid muhiim ah oo ka duwan shirarkii hore.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment