1623 Views

Madaxweynaha Dowlad K/Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed lafta gareen ayaa si Toos ah u furey Bandhiga Baydhabo.

Madaxweynaha Dowlad K/Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed lafta gareen ayaa si Toos ah u furey Bandhiga Baydhabo.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL August 01,, 2019 —Baydhabo 01-08-2019: Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa Manta Waxaa ka dhacay Furitaanka Bandhiga Dhaqanka Farshaxanka waxsoosarka iyo Buugaagta kaasi oona loogu Magac daray Bandhiga Baydhabo.

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfir Galbeed, Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda KG, Wasiiro xildhibaano Ka wada Tirsan Dowlada Dhexe iyo Dhowlad goboleedka KG Parofesoro iyo Aqoon yahan ayaa sido kale kasoo qeyb galay Bandhiga Baydhabo.

Bandhiga ayaa inta uu socday waxaa lagu soo bandhigay Wax soo saarka Dalagyada Qeybaheeda kala duwan Buugaag ay qoreen aqoon yahano iyo Farshaxanka oo ay kamid ahaayeen hidaha iyo dhaqanka.

Kasoo qeybgaliyaasha Bandhiga Badankooda waxay xirnaayeen Hidaha iyo Dhaqanka Taasi oona muujinaysa Bandhiga inuu ka dubanaa Bandhigyada kale

Qaar kamid ah Masuuliyiinti ka hadashay xaflad waxay ku dheeradeen Muhiimada ay leedahay in la badiyo bandhigyada noocaan oo kale ah si bulshada ay u helaan Dhiiro gelin ku aadan inay soo bandhigaan Waxyaabaha ay Qabtaan.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Barlamaanka KG mudane Cabduqaadir Shariif Shekhuna maye ayaa dhankiisa umahadceliyey Dadkii Soo abaabulay Bandhigan waxaana uu Sheegey in bulshada muhiim ay utahay inay helaan bandhigyo Noocaan oo kale ah.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed lafta gareen ayaa si Toos ah ufurey Bandhiga Baydhabo Kaasi oo Maalmo kasocon doona Magaalada baydhabo waxana madaxweynaha uu Sheegey in Kan Dowlad ahaa ay kaalin ka geysan doonaan Cid waliba oo jacayl hormarka Deeganada Koonfur Galbeed Waxana uu umahad celiyey Cid waliba oo kalin ka geysatay bandhigan.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment