864 Views

Wasiirka arrimaha dibadda Ruushka hubka Nukliyeerka uma adeegsan doono dagaalka ka socda Ukraine

Wasiirka arrimaha dibadda Ruushka hubka Nukliyeerka uma adeegsan doono dagaalka ka socda Ukraine
____________________________________________________________________________

Talaado: April 19, 2022

Ruushka hubka Nukliyeerka uma adeegsan doono dagaalka ka socda Ukraine, sida uu sheegay wasiirka arrimaha dibadda Sergei Lavrov.

Wasiirka gaashaandhigga ee Ruushka Sergei Lavrov, ayaa sheegay in xukuumadda Moscow ay bilowday marxalad kale oo uu ku tilmaamay ‘howlgalka gaarka ah’ ee laga fulinayo Ukraine.

Wuxuu sheegay in duulaanka hor leh ay ku qaadayaan bariga Ukraine uu yahay mid muhiim ah, Ruushka ayaa sheegay in gantaallo dhowr ah ay xaley ku garaaceen bariga Ukraine.

Wareysi uu siiyay Telefishin laga leeyahay Hindiya, Mr Lavrov ayaa la weydiiyay in Ruushka uu ka fikirayo adeegsiga hubka Nukliyeerka iyo in kale.

Wuxuu ku jawaabay waxaana adeegsaneysaa hubka caadiga ah oo kaliya ah.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa mar sii horreysay ku amray taliska militeriga Ruushka in ay “heegan khaas ah” geliyaan hubka Nukliyeerka iyo qalabka la xiriira – waana heegankii ugu sarreeyay ee la geliyo istiraatiijiyadda gantaallada ee Ruushka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post