456 Views

Wasiirka Gaadiidka Soomaaliya oo kulan la qaatay Madaxa WFP

Wasiirka Gaadiidka Soomaaliya oo kulan la qaatay Madaxa WFP
____________________________________________________________________________

Khamiis: February 10, 2022

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadda Xukuumadda Soomaaliya Mudane Duran Axmed Faarax Ayaa Maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa WFP Soomaaliya Mudane El-Khidir Daloum.

Kulanka ayaa looga hadlay arrimaha abaaraha dalka ka jira iyo sidii loo fududayn lahaa duulimaadyadda Gargaarka sidii ay deg-deg ugu gaari lahaayeen goobaha loo qorsheeyay.

El-Khidir Daloum Ayaa Wasiir Duran Farah uga mahad celiyay sida Xukuumadda Soomaaliya ay u fududaynayso hawllaha gurmadka abaaraha, waxaana uu sheegay in dhankooda ay ku dadaalayaan in dadka cunada u baahan gargaarku si dhaqse ah u gaaro.

Ugu dambayn Wasiirka Gaadiidka ayaa boggaadiyay dadaalka WFP waxaana uu dhanka kale shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay gacmaha is qabsadaan iskuma gargaaraan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post