2574 Views

RW Kheyre iyo Keating oo ka wada hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka

RW Kheyre iyo Keating oo ka wada hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 29, Maarso 2018 — Ra’isalwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Mechael Keating ayaa ka wada hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo halka ay wax marayaan hadda.

Mechael Keating, ayaa qoraal uu soo dhigay boggiisa Twitter-ka waxaa uu ku sheegay in kulanka uu la qaatay Ra’isalwasaaraha Soomaaliya uu kala hadlay xaaladda amaan, siyaasadeed, dhaqaale iyo Istiraatijiyadeed ee dalka Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in ay isla soo qaadeen xoojinta horumarrada hadda la sameeyay ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo horumarka.

Golaha shacabka ayaa hadda waxaa ay u kala qeybsanyihiin labo garab, kuwaas oo kala taageersan Guddoomiye Jawaari iyo ku xigeenkiisa 1aad oo isna aqbalay mooshinka ka dhanka ah Jawaari.

Ra’isalwasaare Xasan Cali Kheyre Xukuumaddiisa ayuu Guddoomiye Jawaari ku eedeeyay in ay ku lug leedahay mooshinka islamarkaana gadaal ka riixeyso.

Jawaari waxaa uu horay u sheegay in uu iska diiday heshiis uu Xasan Cali Kheyre horkeenay kaas oo lagu sheegay Danqaran,islamarkaana sheegayay in saddexda mas’uul ee dalka ugu sarreysa aysan mooshin iska keenin islana dhameystaan muddada saddexda sano ah ee u hartay dowladda hadda jirta.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment