1437 Views

Weerar Gantaal oo yemen Caruur iyo Askar Lagu Dilay

Weerar Gantaal oo yemen Caruur iyo Askar Lagu Dilay
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 15da Maarso, 2021–Xoogaga Xuutiyiinta ee Yemen ayaa gantaal ku dhuftay iskuul ay ku sugnaayeen xubno  taabacsan dowladda oo ku yaal gobolka Taiz, halkaas oo ay ku dileen 15 askari iyo saddex carruur ah oo ka ag dhowaa goobta, sida ay laba qof oo dadka deegaanka ah iyo ilo milateri u sheegeen Wakaalada Reuters.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in caruurta   ay ku sugnaayeen aagga, markii gantaalku ku dhacay iskuulka oo ku yaal degmada Kadha ee gobolka Tai zee Dalka Yemen.

Laba ilo ciidanka ah  ayaa sheegay in 15 askari laga dilay, iyaga oo intaa ku daray in iskuulka ay horay u isticmaali jireen xoogaga Xuutiyiinta, lana wareegeen kadib markii dagaalyahano taageersan dowlada ay qabsadeen magaalada Kadha todobaadkii hore.

Sarkaal ka tirsan Xuutiyiinta ayaan isla markiiba ka jawaabin codsi ku saabsan faallo.

Dagaalada ayaa dhawaanahan kusii baahayay magaalada lagu muransan yahay ee Taiz ee koonfurta galbeed ee Yemen oo u dhaxeysa dagaalyahanada daacada u ah dowlada uu caalamku aqoonsan yahay iyo dhaqdhaqaaqa Xuutiyiinta, taas oo ku qasabtay in ay la wareegaan caasimada Sanca, sanadkii 2014.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post