264 Views

Caasha C/llaahi “Farmaajo wuu ka niyad fiicnaa Xassan, balse Xassan wuxuu haystaa fursad aanu abid helin Madaxweyne kale”

Caasha C/llaahi “Farmaajo wuu ka niyad fiicnaa  Xassan,  balse Xassan wuxuu haystaa fursad aanu abid helin Madaxweyne kale”
____________________________________________________________________________

Khamiis, 29 December [QARANIMO ONLINE] Caasha Cabdullaahi Diiriye oo ka mid ah ganacsatada gobolka Banaadir, dhinaca kalena ah ardayad culuunta siyaasadda ka barata Jaamacadda Accord faraceeda Muqdisho, ayaa barteeda Facebuug ku soo daabacday qoraal dheer oo ay kaga hadlayso xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka.


Caasha qoraalkeeda oo u badnaa hoga-tusaaleyn & talo-jeedin waxa ay ku cabirtay marxaladihii dalku soo maray & halka maanta la joogo, waxayna soo jeedisay in dagaalka Alshabaab lagaga soo horjeeda si dhab ah loo wajaho oo aan loo isticmaalin kaar siyaasadeed markii loo baahdo la isticmaalo.


“MD Farmaajo waxa qarribay waxeey ahaayeen la-taliyayaashiisa, ee wuxuu ahaa shaqsi daacad ah oo qalbi fiican. Anigu guulaha aan u nisbeeyo waxaa ka mid ah sida uu ula tacaamulay kooxihii beesha 6-aad ee Soomaaliya faragelinta ku hayay oo ay Kenya ka mid aheyd & inuu ka taqalusay dalaaliintii & caada-qaatayaashii baarlamaanka ku jiray; Sidoo kale, wuxuu dagaal la galay Deni & Madoobe oo ah 2 liqdaar oo loo soo diray Soomaaliya in ay qabri ku hubsadaan” Ayeey tiri Caasha Cabdullaahi, waxayna intaasi ku dartay in ay bogaadineyso fagaare dhowaan ay ku dhawaaqeen ardayda wax ka dhigaya Accord University, fagarahaasi oo noqon doono meel lagu gorfeeyo arrimaha xasaasiga ah ee dalka ka dhacaya.


Caasha waxay is-weydiisay sababta ay Muqdisho u noqotay halka shacabka rayidka ah lagu gumaado, laguna qarxiyo, iyada oo eeda arrintaasi dusha ka saartay shicibka Muqdisho oo hurdo dheer ku jira, sida ay sheegtay.

“MD Xassan fursad weyn buu haystaa, waxaan qabaa in Alshabaab dagaal lala galaa wax sahlan ma ahan, waxaana ka bixi kara shaqsi daacad ah, khibrad leh, geesi ah, ayna ka go’an tahay inuu dagaalamo. Alshabaab kama guuleysan karo shaqsi ujeedadiisu ugu weyni ay tahay inuu indhaha bulshada isaga jeediyo Alshabaab baan dagaal kula jiraa” Ayeey tiri Caasha waxayna intaasi sii raacisay.


“Shabaab xabbad keliya lagagama adkaan karo Alshabaab dagaalkoodu wuxuu u baahan yahay in laga joojiyo dhaqaalaha ay ka helaan bulshada siiba ganacsatada & shirkadaha waaweyn; Dagaalka Shabaab lagu hayo waa guri dhismihiisa dusha sare laga soo billaabayo halkii aasaaska hoose laga soo billaabi lahaa, dagaalka xabbadda ee Alshabaab waa inuu noqdaa kan ugu dambeeya, dagaalka ugu muhiimsan ee Alshabaab waa in dhaqaalaha & sirdoonka laga la daalamaa; haddaadan sugi karin ammaanka dadka Alshabaab canshuurta siiya, oo aadan haysan ciidan & madax sirdoon oo khibrad leh xaalku wuxuu noqonayaa in lagu arko 4 sanno kaddib adigoo leh; qabyo ninkeedaa dhameystira”

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post